U bood dhigaalka

DP World: Mashaariic Iyo Heshiisyo Caalamiga Ah Oo Lagala Laabtay

Sheeko:Dalka

Shirkadda DP World waxaa iska leh xukuumadda Dubia oo ah imaarad ka tirsan Imaaraadka Carabta, waxaa ay maalgeshi ku sameysataa dekado badan oo caalamka ah.

Shirkadda DP World waxaa la aasaasay sanadkii 1999, waxaa ay ka shaqeysaa arrimaha isgaarsiinta iyo Lojistikada, waxaa kaloo 2006-dii ay la wareegtay shirkadda “P & O” oo ah shirkadda  heshiiska la gashay dekadda Boosaaso.

Shirkadda DP World waxaa ay maamushaa dekadaha illaa 40 dal oo caalamka ah, Mashaariicdeeda waxaa ay ka badan yihiin 77 xarumood oo badda ah, shaqaalaha shirkadda waa 37,000 oo ka soo kala jeeda 110 dal.

Horudhacaas waa mid fiican, laakin shirkaddan waxaa jirta mashaariic badan oo ay xirtay ama ku guul-dareysatay, waxaan ka xusi karnaa:

2006: Shirkaddan Dp World waxaa ay shirkadda “P & O” ku iibsatay 6 Bilyan oo Dollar, waxaa kaloo ay dowladda Mareykanka heshiis kula gashay in ay maamulaan 6 dekad oo ay ku jiraan New York, Newark, Baltimore iyo Miami., xubno ka tirsan Labada aqal, madaxweynayaal hore, governotoorayaal iyo mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa iska diiday, heshiiskana sidaas ayuu ku burburay.

2006: DP World oo adeegsaneysa  Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade saxiib la ah Imaaraadka ayaa 30 sano heshiis la gashay dalka Djibuti si ay u maamulaan Doraleh Container Terminal, (DCT) waxaa la furay 2008-dii, laakin dowladda Djibuuti waxaa ay dacwad ka furtay maxkamad ku taallo London, dacwada waxaa uu salkeedu ahaa in Imaaraadka ay laaluusheen Boreh si ay u helaan maamulka dekadda, 3 sano sano ka badan ayey dacwadda socotaa, in kasta oo eedeyntaas lagu waayey Bore hadana Djibouti waxaa ay shirkadan kala laabatay maamulka Doraleh Container Termina February 22, 2018-kii, waxaana halkaasi ku soo afjarmay is-qabqabsi labada dhinac ah oo sanado soo socday.

2010: Imaarada Abuu Dhabi Oo  DP World u diiday heshiis cusub: Imaarada Abu dhabi oo caasimadda Imaaraadka ayaa iska diiday in ay heshiis-ka u cusbooneysiiso DP World, Abu Dhabi Terminals oo loo soo gaabiyo ADT ayaa sheegtay in ay iyada maamulan doonto dekadda.

2011: Shirkadda DP World, waxaa ay ceyriyeen shaqaalo badan sida ka dhacday dekadda Ceynu Sukhna ee dalka Masar.

2012: Sida ay qortay Financial Times shirkadda DP World waxaa lagala laabtay heshiis ay 30 sano kula gashay dekadda caanka ah ee Cadan, shirkadda DP World waxaa lagu eedeeyay musuq, waxaa kale oo la ogaaday in ay qalab ka xadeen dekadda, lacagtii lagu ballamay oo aaney bixin, dayactir la’aan.

March 1, 2018: Heshiis ka dhacay Imaaraadka, waxaa lagu kala saxiixday Heshiis saddex geesood ah oo dhex maray Somaliland, shirkadda DP World iyo Itoobiya

Heshiiska 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Iboobyia.

Sida uu sheegay madaxweynaha Djibouti  oo wareysi siiyay Tesfa News heshiiska Berbera uu ku lug leh Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade Djibouti -yaan ah oo dibadda ku nool, waxaa uu horay Imaaraadka ugu wareejiyay dekadda Djibouti ah markii dacwad lagu furay ayuu ka shaqeeyay in Bebera uu ugu abaal-gudo.

Hadaba, inkasta oo heshiiskan ay ka hortimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hadana waxaa ay aheyd arrin aan diblomaasiyad ahaan fiicneyn in heshiiska uu dhacay xilli ra’isul wasaare Kheyre joogay Imaaraadka, sidoo kale lama oga tillaabada xogta ee hey’adaha dowladda uu ku jiro baarlamaanka ay arrintan ka qaadan-doonaan.

Sida heshiiska saddex geesood-ku yahay, Itoobiya waxaa ay dhisi-doontaa waddo dhererkeedu yahay 280 KM taas oo dekadda ku xirta xadka Itoobiya, hal milyan iyo bar oo dollar ayaa ku baxaya halkii KM iyo in ka badan 400 milyan ayaa la rabaa in loo helo mashruucan, waxaa kale oo dhisme u baahan dekadda Berbera oo qalabka ay maraakiibta waaweyn ku soo xiran karaa waxaa ay Berbera u jirtaa 12 KM.

 

Goobjoog News