U bood dhigaalka

Dr. Aamina Saciid Cali

Sheeko:War

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa todobaadkan waxaa uu agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya u magacaabay Dr. Aamina Saciid Cali.

Marwo Aamina waa haweeneydii ugu horeysay ee jagadaasi qabata, waxaana lagu wadaa in ay la shaqeyso agaasimaha cusub ee madaxtooyada Fahad Yaasin.

Dr. Amina Saciid waxaa waalid iyo bar-baariye u ahaa Mudane Cabdullahi Ciise Maxamud, waxaa ay muddo dheer ku nooleed dalka Sweden halkaas oo ay ka baratay Science-ka  “The Karolinska Institute” ee dalkaasi.

Jaamacadda heerka koowaad iyo Masterkaba waxaa ay ka qaadatay isla Machadkaas, Muddo 18 sano ah waxaa ay “The Karolinska Institute” ka aheyd cilmi baare, qeybta genetics, Bio Bank, Masterkeeda sidoo kale waa Medical  gaar ahaan  Toxicology.

Agaasime ku-xigeenka cusub ee Villa Somalia Dr. Aamina waxaa ay 2009-2012-kii aheyd Xildhibaan ka tirsan dowladii KMG aheyd ee madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Dr.  Amina Cali sidoo kale waa qoraa, oo waxaa ay leedahay labo buug:

  1. Qoriga u garwaaxshay isagoon sagaalki gelin. Suugaan..marx 2005
  2. Xamar Cadey, Waan Xisbeelaa Xasuuqa Yaal….2009-kii

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Hadda waxaa uu Marwo Aamina u magacaabay agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

Goobjoog News