U bood dhigaalka

Dr.Bayle oo Goobjoog uga Warramay Ajandaha Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada guddoonka Golaha Shacabka Xil.Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo aan la yeennay wareysi gaar ah ayaa noo faahfaahiyay Ajandaha Labada maalmood ee Arbacada iyo Khamiista ee doorashada guddoonkba baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Qabanqaabada Doorashada guddoonka Golaha shacabka ayaa wada qabanqabada Doorashada Guddoonka barlmaanka oo maalinta Barrito ah la filayo iney ka qabsoonto magaalada Muqdisho, iyadoo guddigu ay wadaan qabanqaabdii ugu dambeysay ee doorashada.

Dr.Bayle ayaa sheegay iney si wanaagsan ugu socota shaqada Guddiga isagoo tilmamay in maalinta Barrito ah ay bilaabaneyso doorashda guddoonka, waxa uu yiri:

“ Howlaha doorashada  waxay marayaan  maanta guddigu waxa uu ka shaqeynayaa  diyaar gareyntii  shaqadii la qaban lahaa berry,beri doorashada ayaa la galayaa  illaa iyo inta laga gaarayo doorashooyinka dhamaadkooda  waxana soo horreyn doono  doorashada guddoomiyaha, waxaana xigi doona guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad sifiican ayayna u socdaan(howlaha qabanqaabada) “.

Guddoomiye Bayle waxa uu sheegay inaaney jirin illaa iyo hadda wax caqabad ah oo guddiga ka horyimid:

“Sida uu qorshaha yahay  waxa weeyaan in Khamiista la doorto guddomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad  hadiisan beri aysan wax horey noogu qabsoomin oo suurogasho in gudoomiyaha horey loo doorto  waxaan isku dayaynaa inaan is dabagelinno, wax caqabad ahna majiraan wax walba sidii loogu talogalay ayay u socdaan shaqadana si fiican ayay u socotaa mana u maleynayo inay dhacaan caqabado “.

Ilaa 4 murashax ayaa u tartameysa guddoomiyennimada golaha shacabka kuwaas oo kala ah, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid  Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar  waxaana Gudoonka Barlamaanka noqan doono midkii ku soo bixi doona midka ay xubnaha baarlmaanku u arkaan inuu hoggaan fiican u noqon karo.

Goobjoog News