U bood dhigaalka

Dr. Cabdi Ciise Diirshe“In aan ka faa’ideysanno Kheyraadka Dalkeena ayaan Qorshe Qaran U Sameyn Doona” Sawirro

Sheeko:Dalka

Xogheyaha Wasaaradda Qorsheynta  Dr. Cabdi Ciise Diirshe oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay shirka qorshaha Qaran ee maanta lagu daah furay xarunta Muqdisho.

Diirhse ayaa sheegay in shirkan uu Daahfur u ahaa qorshe dalka loogu sameynayo qorshe Hor-umarineed oo bilaabanaya dhamaadka 2016-ka ilaa 2019-ka.

Xogheyaha Wasaaradda qorsheynta waxaa uu qorshaha ku tilmaamay mid qaran oo wax badan ka qaban doona xagga Dhaqaalaha, Siyaadda iyo arimaha bulshada.

Howsha shirka waxaa iska kaashanaya sida la sheegay Wasaaradda qorhseynta, Maamullada gobollada, Umadda qeybaheeda kala duwan sida ururada bulshada iyo Jaamacadaha.

Dr. Cabdi Ciise Diirshe ayaa sheegay in Qorshahan ujeedadiisu tahay in uu badalo qorshihii “New Deal” kaas oo bilowday September 2013-kii lana filayo in uu dhamaado September 2016-ka.

Qorsha New Deal ayaa ahaa in Hay’adaha dowladda laga taageero dhinacyo badan sida Siyaasadda, Maamulka, Amniga iyo dhaqaalaha.

Dr. Diirshe waxaa uu sidoo kale ka warbixiyay in shirka laga faa’idi doono in la ogaado halka loo socdo, isagoo soo qaatey dhulka la beeran karo ee Soomaaliya, Badda Kheyraadka ku jira, Xoolo Badan, Macdanta iyo Petroolka, qorshahanna uu yahay sidii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadkaas faraha badan.

Shirka Maanta waxaa Goobjoog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka qorsheynta Qaranka Cabdi Ceynte iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, waxaa sidoo kale agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo qeybo ka tirsan bulshada.

 

SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES
SAMSUNG CAMERA PICTURES