U bood dhigaalka

Dr.Cabdiraxmaan Beyle oo qaabilay safiirka Kuuriyada koofureed

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”31″]

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Korea u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Choi Donggyou.

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay warqadaha aqoonsiga , isagoo ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal , waxaana Wasiirku muujiyay kaalinta wax ku oolka ah ee Dowladda South Korea ay ka qaadato Arrimaha Soomaaliya .

Danjire Choi Donggyou ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Korea H.E. Yun Byung-se, isagoo xusay muhiimadda balaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Korea ayaa kahor intaan Copy ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjiranimo laga gudoomin , waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay agaasinka guud habmaamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Mudane Abdullahi Dool Mohamed.

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Korea uu soo taxanaa muddo aad u fog , iyadoo Xukuumadda Seoul ay hore ugu deeqday Waaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku dhowaad 70 gaadiidka martida ah .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu goor dambe ee maanta ka guddoomo warqadaha aqoonsiga Danjiraha cusub.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Wararka Goobjoog news