U bood dhigaalka

Dr Cali Yaasiin “Khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda waa mid dastuuri ah” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dr Cali Yaasiin oo ka mid ah aqoonyahana Soomaaliyeed ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu yahay mid dastuuri ah.

Aqoonyahankaan oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Goobjoog Fm magaalada Muqdisho ayaa sheegay in khilaafkaan uu yahay mid horay uga soo bilawday madaxdii dalka soo maray, waxaana saameynta ugu badan uu sheegay in shacabka uu ku yeelanaayo.

Waxa uu tilmaamay in dhibaatada soo dedejisa khilaafkaan ay kaalin ka qaadanayaa Dastuurka Dalka u yaala iyo sidoo kale dowladda oo hab qabiil lagu qeybsado.

Awoodaha madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay in dastuurka aanu si cad u kala cadeyneen arimaha ku aadan wasiirrada kala diristooda, isku shaandheyntooda iyo arimo kale.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay aqoonyahankaan.

Goobjoog News