U bood dhigaalka

Dr. Duniya Maxamed Oo Goobjoog Uga Warantay Kaalinta Bulshada rayidka, 30% Haweenka iyo Diyaarintooda

Sheeko:Amniga

Marwo Duniyo Maxamed Cali oo ah madaxa IIDA oo todobaadkan ka qeyb gashay barnaamijka OGAAL ayaa ka hadashay Shirkii Dhuusamareeb ee doorashada, 30% haweenka iyo arrimo kale.

Mar ay ka jawaabeysay waxa ay ku soo arkeen shirkii Dhuusamareeb 1 2 oo ay ka qeyb galeen waxay ka tiri ” Dhuusamareeb waxaan la kulannay shanta maamul, guddoomiye, innaga oo kaashaneyna dhismaha gobol walba oo kor kacayey, gobol walba waxaa matalayey 2 qof oo gobolkaas ah, waxaan kala hadalnay in la rabo tanaasulaad, tii innaga oo ku guuleysnay waxaa kusoo biiray ra’isul wasaarihii markaas jiray Xasan Cali Kheyre waan la kulanay, waxaa kusoo biiray waan la kulanay, inta keliya kuma ekeyne ee raggii madaxweyneyaasha la socday waan la kulanay si aan isugu dhoweyno oo aan saxiibo dhow ku leenahay”.

Mar wax laga weydiiyey doorashada sanadkan, haweenka iyo ilaalinta 30% iyo saameyntooda waxa ay Dr. Duniya ka tiri “Innagu bulshada rayidka ayaa uga mid nahay, task force u gaar ayaa lagu cadeyn doonaa,  qaabka aan ku raadinayo 30-ka, laakiin markaan tan u soo noqdo walalaheyngana ay ka jawaabeen qaabka iyo meesha ergada ay tahay, horta shuruudaha waa inaan wax ka dhahno oo aan ax ka dejino haddii aan bulshadii nahay, qofka murashax ma ahane waa in ogaannaa ergada, waayo intooda badan waxna ma qoraan, waxna ma akhriyaan, musuqa ugu weyn meesha uu ka imaanayo, guddiga ayaa u saxiixayey, sharciga aan dejinay waxaa uu ahaa qof ergo ah oo uu ku kalsoonyahay in uu saxiixo.. Mar haddii qabiilkii loo noqday, waxaa ka haween ahaan aan soo jeedineyno waa in 3 xildhibaan ay mid haween noqoto, inta aan 61-da la jarjarin 30% meel ha la iska dhigo”.

Ma soo diyaarin doonaan gabdho wax bartey, Dr. Duniya ayaa ku jawaabtay” Aniga waxaan qabaa in xoogga la saaro shacbiga, oo wacyigelin la siiyo mid dhow iyo dheer, waan bilownay in aan baraarujinno gabdhaha, oo taariikh nololeedkoodu aruurino oo aan soo bandhigno, hey’ad ahaan waxaan wadaa isla xisaabtan, oo maamullada hoos laga soo dhiso oo aan kor laga keenin”.

Barnaamijka OGAAL, waa todobaadle, waxaa soosaare ka ah Guddoomiyaha Tubta Nabadda Cabdullahi Maxmed shirwac (Halkan ka daawo)

Goobjoog News