U bood dhigaalka

Dr. Macrifi oo Goobjoog Uga Waramay Shirka Dib u Heshiisiinta Hobyo, Ujeedka, Heerarka  iyo Waxa Laga Filayo

Sheeko:Dalka

Suldaan Maxamed Cigale Hooley (Dr. Macrifi), oo ka tirsan guddiga farsamo ee shirka Hobyo iyo dhaqanka beesha Habargidir ayaa Goobjoog News uga waramay arrimaha shirka Hobyo, ujeedka laga lahaa, heerarkiisa iyo waxa laga filanayo.

Dr. Macrifi, oo ugu horeyn ka hadlayey shirka Hobyo ayaa waxaa uu yiri “Shirkan muddo sanad ah ayuu ka socday caasimadda Muqdisho, oo halkaasi wax badan lagu gorfeeyey, kadib 15/7/2019 ayaa la iclaamiyey in Hobyo laga dhigayo, waxaana hadda la joogaa magaaladan Hobyo, oo qadiimiga ah iyo dekadda ah”.

Suldaan Maxamed Cigale Hooley,  mar uu ka hadlayey ujeedka shirka Hobyo waxaa uu sheegay “Ujeedka shirka waxa weeyaan in marka hore beelaha Habargidir is arkaan, doodaan, heshiiyaan, kadibna loo yeero 6-da beel ee kale ee walaalaha ah ee nala dega Galmudug, oo heshiis guud halkan lagu gaaro”.

Hooleey waxaa kale uu ka hadlay in ergada hadda joogto shirka ay gaaraan ilaa 200, lana sugayo 50 kale oo dibadda ka imaanaya “Ergada hadda joogta waa 200, waxaan sugeynaa 50 dibadda ka imaanaya”, isaga oo intaa raaciyey in dadka deegaanka magaalada Hobyo ay ergada u diyaariyeen ilaa 31 guri, si deeqsinimo lehna dadka us oo dhoweeyeen.

Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Cigale Hooley (Dr. Macrifi), waxaa ay Goobjoog News weydiisay heerka uu hadda marayo shirka iyo goorta la soo gabagabeyn-doono “Hadda waxaa dhamaaday shirka wejiga 1aad oo ahaa dood ku saabsan, maxaa dhaliyey in dagaal dhex maro beelaha walaalaha ah?, waxyaalaha dagaallada keena ayaa la ogaaday, waxaa la isku afgartay in horta dhaqanka la mideeyo, oo mas’uuliyadda iyagu qaadaan, loogana dambeeyo, haddii ay  gudan waayaanna sharci  la sameeyo, oo lagula xisaabtamo”.

“Wejiga 2aad, oo aan weli bilaaban, waxaan u yeernay dad deegaanka ah oo aqoonyahanno ah, oo dibadda ka imaanaya, waxaan rabnaa maalgeshi iyo in laga faa’ideysto, oo aqoon iyo khibrad wixii ay hayaan ay dalkooda dib ugu soo celiyaan” ayuu yiri Suldaan Maxamed Cigale Hooley.

Ugu dambeyntii, Suldaan Maxamed Cigale Hooley,  (Dr. Macrifi), waxaa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo waqtiga la soo gabagabeyn doono shirka Hobyo, isaga oo ku soo koobay, “Todobaadka dambe ayaa sheegi-doonnaa”.

Goobjoog News