U bood dhigaalka

Dr. Maxamud Culusow Oo Madaxweynnimada Isu Sharaxay, Waa Kuma Culusow?

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta xilka madaxweynimada isu soo sharaxay Dr. Maxamud Maxamed Culusow, waxaa uu qeyb ka noqon doonaa murashaxiin ilaa 15 ka badan oo sanadkan u taagan doorashada 2016 ka.-

Dr. Culusow oo ka hadlay sababaha ku dhaliyay waxaa uu sheegay in shacabka oo garab ka helaya beesha caalamka ay doonayaan is badalayaan iyo in laga baxo dhibaatada dalka ka jirta.

Lama oga taageerada uu Culusow ka heli karo Xildhibaannada labada aqal kuwaas oo bisha soo socota 30-keeda dooran doona madaxweynaha Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. 

Waa Kuma  Dr. Maxamud Maxamed Culusow

Dr. Maxamud Maxamed Culusow  waxaa uu ku dhashay  magaalada Baladweyn sanadkii 1948

Waxbarasho: Dugsiga Hoose, Dugsiga Dhexe ee Ganacsiga, Dugsiga Sare ee Machadka Xisaabaadka Talyaaniga 1971 (darajada koowaad), Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 1975 (Darajada kowaad iyo sharaf), Machadka Cilmiga Bulshada ee Hague, Holland, 1984 iyo Machadka Hay’adda Sanduuqa Lacagta Addunka, 1986 iyo Shahaadoyin kale.

Shaqo: Jagooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo jagooyin kale.

Goobjoog News