U bood dhigaalka

Dr. Nuur Faarax Oo Maanta Si Rasmi Ah Looga Wareejiyey Xilka Hanti Dhowrka Qaranka

Sheeko:Dalka

Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa xafiiska hanti dhowraha guud ee qaranka waxaa kula wareegay ku xigeenka xafiiskaasi, waxaana munaasabaddan ka qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo mas’uuliyiin kale.

Cali Abukar Axmed, ku xigeenka hanti dhowraha guud ee Qaranka oo maanta xilkaan si KMG ah ula wareegay ayaa ugu horreyn wuxuu ka hadlay shaqada uu qabto xafiiskan iyo sida lagama maarmaan u tahay in shaqada aanay hakan.

“Waxaa sharaf inoo ah in wasiirada ay kasoo qeybgalaan xil wareejinta xafiiska hanti dhowrka guud, xafiiskan howlihiisa waa ay badan yihiin,  inta ugu muhiimsan waa baarista hore iyo baarista dambe, baarista hore waxay tahay diiwaangelinta waarannada, heshiisyada maaliyadda, qandaraasyada, dalacaadda xilalka iyo xaqiiqsiinta,  kala wareejinta miisaaniyadda iyo diiwaangelinta baarista deeqada, baarista dambena waa xaqiijinta isticmaalka miisaaniyadda sanadka, baarista dhammaan hay’adaha dowladda, baarista daqliga iyo hay’adaha dowladda,  intaasina waa howlaha uu qabto xafiiska hanti dhowrka” ayuu yiri Cali Abukar

C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay mas’uulka xilkaan la wareegay in shaqada uu u guto si cadaalad ah oo hufan.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa isna dhankiisa halkaasi ka sheegay in Mudane Cali Abukar laga doonayo in howlaha u fududeeyo bulshada iyo sidoo kale hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Munaasabadaas xilka loogu wareejinaayay hanti dhowra ku xigeenka kama uusan soo qeyb galin Dr. Nuur Faarax oo dhowaan xilkaasi laga qaaday, ,lama oga sababta isagoo Muqdisho ku sugan uusan usoo xaadirin.

Goobjoog News