U bood dhigaalka

Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo Muqdisho Ku Geeriyootay

Sheeko:Caafimaadka

Allah unaxariistee waxaa waxaa saaka waabarigii gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo kamid aheyd dhaqaariirta ugu caansanaa guud ahaan dalka.

Allah u naxariistee marxuumad Drs Xaawo ayaa waxaa ay u geeriyootay xanuun xalay ku soo booday, waxaana ka dib la geeyey goob caafimaad, iayadoo ugu dambeyn halkaas ku geeriyootay.

Allah unaxariistee Drs-da ayaa waxaa ay caan ku aheyd daaweynta cudurada Haweenka iyo dhalmada, waxaana jiray isbitaalkii weynaa oo ay ka fortay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, xiligii halkaas loo qaxay.

Goobjoog News