U bood dhigaalka

Dublamaasiyadda iyo Dowladaha Carabta

Sheeko:Caalamka

wasiirka arrimaha dibada qatarShalay waxaa magaalada Muqdisho socdaan ku yimid wasiirka arrimaha dibada dalka Qatar Khaalid Binu Maxamed Al-Taani kaasi oo wadahadal la yeeshey wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Hadliye iyo waliba madaxda dalka sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid.

Wasiirka Arrimaha dibada Qatar waxa uu balanqaaday in dowladiisa ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska Soomaaliya, islamarkaasina taageereyso dowladda Soomaaliya.

Ma jirto xili dowladda federaalka ay dowladda federaalka oga baahi badantahay kaalmada Qatar maadaamaa kaalmadii caalamka ee miisaaniyadda lagu kabayay aysan dowladda helin sanadkani illaa iyo hadda. Hase yeeshee had iyo jeer kaalmada lacageed ee dowladaha kale ay ku kabaan miisaaniyadda dalka ayaa ah mid aanan la ogaanin cadadkeeda iyo halka ay marto.

Qatar waxa ay ka mid tahay dowladaha saaxiibka dhow la ah dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, iyada oo gacan badan ka geysatay samotabixinta Soomaaliya dhinac kasta.

Booqashadani wasiirka ayaa timid dhawr bilood kadib markii wafti uu hoggaaminayo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid uu tagay dalka Qatar, islamarkaasina dowladda dalkaasi lasoo saxiixdey heshiis iskaashi ah dhinacyo badan leh, heshiiskaasina oo sidoo kale shalay laga wadahadlay fulintiisa.

Qatar waxa ay ka mid tahay waddamo dhawr ah oo carbeed sida Imaaraadka iyo Sucuudiga oo si weyn ugu lug leh arrimaha Soomaaliya, islamarkaasina xiriir wanaagsan la leh dowladda Soomaaliya ee hadda jirta.

Waxa ay bixiyaan kaalmo toos ah iyo mid aan toos ahayn oo ay siiyaan dowladda federaalka, haseyeeshee kaalmadani inteeda badan ma ahan mid si dhab ah oga muuqata oo la arko natiijadeeda, marka laga reebo meelo kooban sida iskuulka agoonta ee Qatar, ceelal biyood la qodey iyo wax la mid ah.

Marka laga hadlayo xiriirka dublamaasiyadeed ee lala leeyahay wadamada Carabta waxaa muuqata in aysan jirin siyaasad cad oo dowladda federaalka ay ka tixraacdo macaamilka ay la samaynayso doowladaha, waxaana tani ugu wacan wasiirada arrimo dibadeed ee sanad kasta isbadalka lagu sameeyo iyo dowladaha Carabta oo iyaga laftooda aanan isku aragti ka ahayn arrimaha Soomaaliya ama ugu yaraan aanan isku qaab u wajihin.

Tusaale ahaan dowladda Qadar waxa ay muddo badan dooneysey in ay dhexdhexaadiso dowladda iyo kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda, iyada oo xitaa magangalyo siyaasadeed u fidisey mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowladda kasoo horjeeda oo hadda xiran. Taasi badalkeeda dowladda Imaaraadka Carabta waa ay mabnuucdey shaqsiyaadka iyo ururada Soomaaliya ku sugan.

Sidaasi darteed kaalmada iyo qarashka ugu badan waxa ay dowladda Imaaraadka ku bixisaa arrimo la xiriira la dagaalanka argagixiso la dirirka iyo sugista amniga, kuwaasi oo marka dhinac laga eego ah wax wanaagsan, balse ma ahan wax raasimaal noqon kara oo hadhoow Soomaaliya anfici kara, taasi badalkeeda waa wax xili kooban ku eg, marka dantii laga lahaa laga gaarana ay meesha ku ekaaneyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u muuqda mid fahmay halka ay sarta ka qurunsantahay, islamarkaasina aysan wax badan tareynin kaalmada Carabta marka ay kalikali yihiin ayaa shirkii Jaamacadda Carabta ee Sharmal Sheekh ka dhacay ka dalbaday shirka in la qabto shir looga hadlayo maalgashiga iyo kaalmada Soomaaliya.

Dalka kaliya ee wax muuqda ka qabtay Soomaaliya ayaa ah Turkiga, waxaana muuqata saansaan ah in Qatar ay raaci doonto wadadii Turkiga oo kale marka laga eego balanqaadyada uu wasiirka sameeyey sida uu safaarad cusub ka furanayo Soomaaliya, shirkadda duulimaadka Qatar Airways uu bilaaban doono, hawlo dib u dhisna bilaaban doono.

Kaalmo kasta oo ay horey u bixiyeen Carabta iyo wax kasta oo laga filayo ayaa waxaa isku fuuqsaday oo ka batay dhibaatada ka dhalatay talaabadii duqeynta iyo dagaalada ee dalka Yemen ay ka geysteen, iyada oo dowladda Soomaaliya ay awoodi weysey in ay Carabta ku qanciso in lasoo badbaadiyo boqolaalka kun ee qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku nool.

Qatar waxa ay ka mid tahay dalalka duqeynaya Yemen, mana jirto wax gacan oo ay ka geysatay in lasoo daadgureeyo qaxootiga Soomaalida, dib u dajintooda haba joogtee. Sidaasi oo ay tahay dowladda Soomaaliya waxa ay taageertey duqeymaha Yemen.

Ugu dambeyntii waxaa la eegi doonaa waxa ay soo kordhiso booqashada mas’uuliyiinta Carabta ay ku imanayaan Soomaaliya iyo waftiyada madaxda Soomaalida ee tagaya waddamada Carabta, iyo waxa taasi ay ka badali doonto sida uu hadda xaalka yahay.

Goobjoog News