U bood dhigaalka

Dufaan Xooggan Oo Ku Dhufatay Goballo Ku Yaalla Dalka Mexico

Sheeko:Dalka

Duufaantii ugu xawaaraha badneed  taariikhda inta la ogyahay ayaa ku dhufatay dalka Mexico, waxana cabsi weyn laga qabaa in ay dabeyshani ay burburiso dhulka xeebta.

Dufaantan ayaa goor hore laga dareemay deegaanka Emiliano Zapata oo u dhaw Dekadda weyn ee Manzanillo waxaana la filayaa in qasaaruhu uu sii kordho sida uu sheegay Roberto Ramirez oo dhanka biya u qaabilsan deegaanka duufaanuhu ay heleeshay.

Waxa jiray wararka ku saabsan in daadad iyo dhiiqo wada socdaa ay xireen gobolo dalkaa kamid ah. Inkastoo aan la xaqiijin qasaaro nafeed.

Duufaantan ayaa lagu soo waramay in 305-km saacadiiba ay ku gaareysay ka hor inta aysan ku dhufan xeebaha Maksiko, inkastoo goor dambe la xaqiijiyey in xawaaraha dabeyshu ay hoos ugu dhacday heerka shanaad iyadoo noqotay 265-km saacadiiba.

Kumanaan shacab ah  iyo dad dalxiisayaal ah ayaa la daad gureeyey si dhibaato aysan uga soo gaarin.

Goobjoog News