U bood dhigaalka

Dugsiyaddii Ku Guuleystay Kedis-ka Goobjoog oo La Abaalmariyay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada muqdisho lagu qabtay xaflad lagu abaal marinayay 3da  dugsi ee kusoo baxay tartanka kadis ee idacada goobjoog ay qabtay  taratankasi oo ay taba galisay jamacada city

Tartanka waxa loo qabtay 58 iskuul oo kuyala gobolka banadir waxaana kaqayb qaadatay 32.000 oo arday oo dugsiyadasi wax kabarta

Munasabada gunanadka tartankan ayaa waxa kasoo qaybgalay  masuliyin katirsan wasaarada waxbarshada xukumada somaliya  iyo madax kasocotay jaamacadaha qaar sidoo kale wax halka kusugnaa dugsiyada kalmaha galay oo kala ah

  1. Dugsiga Sare ee Mujamac umul qura
  2. dugsiga sare ee Al-Anwaar
  3. Dugsiga sare ee Dharkenleey

Dugsiyada ayaa waxaa ay Abaalmarin u kala heleen sida:

  1. Kalinta 1aad waxa galay dugsiga mujamac umul qura waxaa lagu abaalmariyay $3000
  2. Kaalinta 2aad waxa galay dugsiga al.Anwaar waxaa uu helay $2000
  3. Kaalinta 3aad waxa galay dugsiga dharkenleey waxaa lagu Abaalmariyay $1000

Ugu horeen xasan maxamed cabdi oo kuhadlayay  idacadaha Goobjoog iyo  Maandeeq ayaa shegay in tartankan uu kii 3aad ee loo qabto dugsiyada gobolka bandir waxa uuna yiri.

“tartama dhoor ah ayaan horay usoo qabanay tartankan waxa uu ahaa kii 3aad oo an uqabanayay dugsiyada gobolka banadir ooo garaya 58 dugsi waxa kaqaybqatay 32.000 oo arday waxana manta aad ugu faraxsanahay  in halkan lagu abaal marinayo 3dugsi ee kalmaha galay”

Agasimaha wasarada  Hidaha iyo tacliinta sare Ismaciil yusuf cumaan ayaa isna halka kahadlay waxa uu amaanay habka tartankan loo qabtay.

“Waxan bogadinaya idacadaha goobjoog fm iyo maandeeqfm oo kasoo baxay doorkii loga bahnaa islmarkana dhiri galin usameyay ardayada waxanhalkina kasii wada”

Dhaamaan madaxdii halkaa kahadlay waxa ay amaan usoo jediyeen idacada goobjoog fm iyo mandeeq fm oo tartan qabtay waxa ayna kudhiri galiyeen in lasii wado hawsha ay wadaan

 

Tartanka Kedis ee Goobjoog News

Goobjoog FM, waxaa ay hawada soo gashay July 14, 2012, Mudadaas ay jirtay waxaa ay qabatay barnaamijyo waxtar u ah dhageystayaasheeda iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

 Goobjoog FM waxay qabatay tartamo Kedis oo gaaraya sadex tartan oo ay kala qabatay sadexdii sano oo ay jirtay waxayna ku bixineysay abaal marino qaali ah waxaana ka soo qeyb galayay iskuulada dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Tartanka Kedis ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxaa sii kor dhayay iskuulada ka qeyb qaadanayay tartanka iyada oo tartankii ugu horeeyay ay ka qeyb qaateen iskuula gaarayay 44 iskuul oo ka kala socday degmooyin ka gobolka Banaadir.

Tartamada ayaa kala dhacay sanadaha 2012, 2013 iyo 2014  waxaana lagu bixiyay abaal marino .

Tartanka kedis oo bilowday 5-10-2012 ayna iska kaashanayeen FPENs iyo Goobjoog FM ayaa waxaa dhamaadka tartanka lagu bixiyay abaal marin la siiyay shanta iskuul ee ugu sareysay waxa ayna gaareysay $5000 oo dolar waxaana loo bixiyay qalab ahaan. Iskuulada ku tartamay ayaa gaarayay 44 iskuul oo dugsiyo sare ah.

Tartanka Kedis oo bilowday 06-12-2013 ayaa waxaa iska kaa shanay Juba express iyo Goobjoog FM waxaana ku tartamay iskuulo tiradoodu aheyd 56 iskuul oo ka koobnaa iskuulada dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir waxana la abaal mariyay  shanta iskuul ee ugu sareysay waxaana ku baxday lacag dhan 13,000 oo dolar.

Tartanka kedis oo laqabtay sanadkii sadexaad waxaa iska kaashanaya City University iyo Goobjoog FM waxa uuna bilowday  06-11-2014  ka qeyb galayaasha ayaa gaaraya 58 iskuul oo dugsi sare ah oo ka howl gala gobolka Banaadir.

Tartankan oo bilowday  sida aan sheegnay  6th November 2014, waxaa gabagabadii isugu soo haray Labada Iskuul ee Mujama’a Ummul-Qura, Al-Anwaar (Ex-Dhamme Yasiin), ugu dambeyn waxaa ay guusha raacday Iskuulka  Mujama’a Ummul-Qura.

Hadaba waxaa Kaalimaha look ala helay sida:

  1. Kaalinta Loobaad: Mujama’a Ummul-Qura.
  2. Kaalinta Labaad: Al-Anwaar (ex-Dhamme Yasiin)
  3. Kaalinta Sedexaad: Dharkeenley secondary school: (from quarter final)

Sida ay guddiga sheegeen Kaalinta Koobaad waxaa uu helayaa $ 3000 USD Halka Kaalinta Labaad la siin doono $ 2000 USD Kaalinta sedexaadna $ 1000 USD.

IMG_6645 IMG_6451 IMG_6452 IMG_6453 IMG_6470 IMG_6475 IMG_6498 IMG_6497 IMG_6495 IMG_6496 IMG_6494 IMG_6493 IMG_6481 IMG_6499 IMG_6500 IMG_6501 IMG_6508

IMG_6510IMG_6624IMG_6592IMG_6615