Magaca Buugga: The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction.
Qore: Mohamed Omar Osman
Cadadka: 228
Sida uu ciwaanka buuggu tilmaamayaba bilowgiiba dowladnimada Soomaaliyeed waxay cagta saartay ama loo saaray wadadii ay isku soo xiri lahayd ama jiritaankeedu uu gabaabsi kugali lahaa. Qoraaguna si kasta oo uu u tusaalayn karay waa uu u dhigay isaga oo u maraya oo kaliya wixii inta badan uu goobjooga ka ahaa.
Ugu horayn, wuxuu qoraaggu aad ugu dheeraaday in horaantiiba dowladdihii gumaystaha ahaa ee Soomaliya joogi jiray ay Soomaalida kala dagaalameen waxbarashada oo heerku ugu sareeya ee lagaari karay ay ahayd fasalka 3aad. Hadii si kale loo dhigana ay Soomaalidu laftigeedu iskala dagaalanatay aqoonta maadiga ah iyaga oo u arkayay inay xambaarsantahay gaalnimo deeganadoodana u diiday in dugsiyo laga furo. Taas oo marmarsiiyo u sii noqotay gumaystaha inuu faraha ka siiqaado geelooda ha iska wataane. 1940yadii baa ugu horaysay in waxbarasho aasaasi ah wadanka laga furo. Qoraaguna wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka faa’iidaystay.
Kala qaybintii dadka Soomaaliyeed iyo hoos gayntii maamulo kala duwan waxay sal dhig u sii noqotay mushkiladdo aan si fudud looga gudbin karin oo ilaa maanta aan joogno saamayn muuqta oo taban ku leh wada sii noolaanshaha ummad waynaha Soomaliyeed. Markii Dagaalkii labaad ee dunida dhamaaday Ingiiriska oo qaybta waqooyiye, NDF iyo Ogaden isku maamulayay Talyaanina ka qabsaday koonfurta baa waxaa la sheegay inuu Soomaalida kula dooday anigu aan xoriyad ina gaarsiiyo dhulkiinana aan mideeyo. Qorashahaas waxaa loo yaqaanay Pevin Plan. Hormuudkii Soomaalida markaas si kasta haka noqotee ama aqoon xumo iyo waayo aragnimo yaraan ha ugaysee ama shaki ay kaqabaan ingiriis iyo tabihiisa hanaqotee kuma raacin Ingiriis mana dooran. Isla qorshahaas waxa ka soo horjeestay Midowgii Sofiyeet iyo dowladda Maraykanka.
1956yadii bay ahayd markii ugu horaysay ee loo furay Soomaalida gaar ahaan koonfurta nimaadkii iyo tabaradii loogu wareejin lahaa dhowr sano dabeed dowladnimadooda ayna xoriyadooda si buuxda ugu hanan lahaayeen. Qofkasta waa garan karaa in dhowr sano aan lagu diyaarin Karin kaadiriin fududayn kara fahmi karana sida dowlad loo wado ama looga shaqaysiiyo. Waxay ahayd tijaabo ku dhisan mar uun aan xukanka la wareegno iyada baa iswadi doontee. Waxaa la sheegaa 1960kii dadka heer jamacadeed nooc kasta oo ay tahay haystay in aysan 100 ka badnayn. Qorshuhu wuxuu u ekaa haadaan kasii tuur.
Laqaaday xoriyaddii, habeenkaasna si fiican loo dabaal dag, xukunkii loo hamuun qabay gacanta lagu dhig, koonfur iyo waqooyi midoobe ugu danbayna jumhuuriyad la dhis. Meesha horumarka iyo wanaaga wadeeda cagta la saari lahaa waxaa la isku cayrsaday xildhibaanimo iyo yaa wasiir noqonaya. Waxaa isku xirmay dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo in qofka kaliya ee xukunka gacanta kula jiraa uu noqon karo hantiile ama taajir.
Soomaalida oo aan awalba saaxiibo lahayn waxay bilowday in ay maalinta labadeeda galin u kala gooshto beriga iyo galbeedka oo hadba qolo caasha saarto. Waxay soo guurguurataba waxay soo gaartay October 1969kii markaas oo Ciidanku taladda dalka la wareegay isaga oo marka hore wajigiisa wanaagsan soo hormarinaya iyo inuu yahay badbaadiyaha ummadda Soomaliyeed meelkasta oo ay joogtaba. Dhowrkii sano oo hore talaabooyin lagu mahadiyo qaad oo ay ku jirta farta aan hada iidin soo qorayo si aad u akhirsaan qoraalkaygan.
Hadii awal la isku waday beriga iyo galbeedka, nidaamka ciidanku toos wuxuu gacanta ugu galay Sofiyeetkii wadankuna wuxuu noqday hanti-wadaag. Dhaqanka guud ee ciidanku markasta waa jajuub, xoog wax ku raadin, caburin, handadaad, dil iyo dhaawac hadii uu dhowrkii sano oo hore qariyay wajigiisa rasmiga ah wuxuu la soo baxay miciyo waawayn oo uu ku aamusiyay cid walba oo ka hortid. Xalkuna wuxuu noqday xabad ban ku qabsaday xabad ban kaga digi karaa oo kaliya taas oo mar danbe Soomali badane qoryaha boobeen ilaa guryaha la iskugu soo dhacay.
Dagaalkii Ethiopia iyo Soomaaliya dhexmaray ee inta badan loo yaqaan 77 wuxuu dalka u noqday bilowgii halaaga iyo burburka isaga oo u horseeday inay jabhado soo baxaan odayga kula loomala xukunka ilaa la isla tagay cadaabta qaybteeda u hoosaysa. Cidna ilaa hada masuuliyaad ma qaadan walina waxaa mooda in lagu tartamayo sidii cadaabta la iskugu hayn lahaa.
Qoraaga buuggan qiimaha leh waxaa uu nolashiisa inta badan ku soo qaatay shaqaale dowladeed(civil servant) jagooyin iyo meelo kala duwana ka soo qabatay. Ugu horayn wuxuu ka soo shaqeeyay xafiiska postada bilowegii 1950yadii. Waxaa loo badalay aqalkii barlaamanka ee dowladdii daakhiliyadda si uu ugu noqdo gaarace (typewriter) doodahooda iyo qoraaladooda iyo wakaaladii wararka ee SONNA. Kadibna waxaa loo wareejiyay safaarada London isaga oo noqday “attache “ ilaa markii danbe ambassador buuxa uu ka noqday wadamada china, Iran (mission in charge), Sudan, Ex-Yugaslavia, iyo ugu danbayn India oo dowladdu ugu dhacday.
Meelahaas tirada badan oo qoraaggu soo maray mid walba waxa uu wakhtigiisa galiyay u shaqaynta danaha dadkiisa iyo dowladdiisa. Waxuu la soo noolaaday goob joogna mudda badan u ahaa ummaddaha kale ee dalkiisa dabinka iyo lugooyada u dhigaya. Waxaa uu soo arkay sida madaxdii Soomaalida ay u noqdeen burburiyaha isla dalkooda iyo dadkooda iyo siday ugu muuqdaan kuwo aan waxba kagalin waxa dalka ka socda. Waxaa cajiib ah sida madaxda dalku iyo ummaddu aysan warba iskaga ahayn. Sida ay u samaysmeen dad sare iyo in hoose oo caqatay.
Qoraaggu meelo badan oo kala duwan oo buugga ka mid ah waxaa uu si toos ah iyo si dadbanba u sheegaya Soomaalidu aduunyadda kale inaysan saaxiib ku lahayn oo ay aad u yarayd dad iyo dal si gooni ah ugu damqada ama sida Soomaaliddu laftigeedu aysan xooga u saarayn siyaad fadhida oo lagu kasban karo saaxiibo joogto ah. waxa uu aad ugu sheekeeyay marka madaxdu iyo dadkoodu kala fogaadan in natiijadda laga dhaxlo ay tahay oo kaliya xukunka oo khasab iyo xoog lagaga tuuro taasna ay horseed u noqoto muusiibooyin kale oo dabayaal.
Wuxu tusaalayaal u soo qaatay Shaahii Iran, Nimerigii Sudan, Siad Bare, Beriga Europe wadamadii ahaa, Mingestu iyo kuwo kale oo tira badan. Waxaa layaab leh in Shaahii Iran uu saaxiib dhow la ahaa dowladda Maraynka lacag badana uu dhigtay bangiyadooda. markii xukunka laga tuuray ay u diideen dalkooda yimaado, cid gooni u qaadatana waayay ilaa markii dambe Anwar Sadat uu siiyay magangalyo. Mr. Siyaad meelahaas kama fogayn. Qoraaggu wuxuu kale oo aad uga sheekayay in dad ay madaxda isku wareejiyaan xaaladda dhabta ahna markasta ka qariyaan taas oo keenta umadda oo nafla caari ah in madaxda loogu sheekeeyo barwaaqo bay ku jirtaa.
Galab aan saa u fogayn shabakad aan umalaynayo inay ahayd Tiktok ama facebook waxaan ka dhagaystay majaajilo yar oo kooxda kala-maan ay siidaysay, sidan ayayna u dhignayd “Maamule iskuul baa wuxuu la xididay waardiyaha iskuulka, maamuluhuna markasta oo macalin maqnaadaba seedigiis buu dhahaa fasalka sii buuxii.
Kadib macalin buuxa buu u qoray ugu danbayna iskuulkii buu maamule ugu dhigay markii isaga loo wareejiyay wasaraadda waxbarashada. Marki waa la joogay maamulihii hore wuxuu ku dhawaaqay in guddi tayadda waxbarashadda maamulayaasha iskuulada qiimeeya uu samaynayo. Seedigiis oo walwalsan ha soo waco, seedi see wax ku wadaa waad ogtahay meesha adaa ikeenay shahaadana ma haystee. Seedi waa beere isma dhibin wuxuuna ugu jawaabay, gudigaas adaa gudoomiye u ah.
Sheekadaas sheeko u dhow baa qoraagu soo guuriyay isagana qabsatay oo uu goob joog u ahaa. Berigii uu post-da ka shaqayn jiray baa maalin nin lacag u soo doontay. Hadii uu taclimaadkii siiyay ninkii lacag doonka ahaa waa is xanaajiyay isaga oo ku doodaya inuu yahay aqoon yahan hadda Talyaaniga ka yimid suul saarna uu san samaynayn. Haddii lagu wargaliyay in amarku uu ka yimid Ra’iisulware Cabdullahi Ciise, waxaa uu ku jawaabay in xataa RW-hu uusan amar siin Karin. Ninkii noocaas ahaa waxaa laga dhigay wasiirka dastuurka ka hor xoriyadda suu dastuur ugu sameeyo Soomaaliyada dhalantooda. Hadaba waa kuu bixin meesha ay iska qabsan la dahay weesadu.
Isku soo wadaduuboo, buuggan waa xusuus qor ugu yaraan koobaysa ku dhawaad 50sano oo ay Soomaliyaba jirtay markaas . Dhamaan dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee uu u soo joogay buu soo guuriyay waliba si farshaxan leh oo sheekaddu si nolol (live) ku jirto kuula soconayso. Socodkiisii dibadda iyo wixii uu ku soo arkay buu nala wadaagay.
Waxaad buugga kala dhex bixidoonta dhowr waxyaalood oo kala ah, Soomaaliya in ay baylah ka dhigeen kuwii gumaystay iyo madaxdii ummaddan u istaagtay, in shacabku iyo madaxdu iswaayeen, saaxiibo inaanan kulahayn adduunyadda kale, qiimayn iyo qirasho khaladaadkeena inaan lahayn, ficiladeena badankooda inay ku dhisan yihiin tayo iyo talo xumo iyo ugu danbayn inaanan garanaynin ama noo sahansanayn meesha aan u socono.
AHN Amb. Mohamed Omar Osman wuxuu ahaa ambassador gaamuray oo nolashhiisa oo dhan ku qaatay u shaqaynta dalkiisa iyo dadkiisa. Sanadkii 2014kii buu London ku geeryooday.
Qoraa:Burhan Abdullahi.