U bood dhigaalka

Beesha Caalamka, Dunida Muslimka Iyo Carabta Oo Cambaareeyay Go’aanka Trump Ee Qudus

Sheeko:Dalka

Go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu arbacadii ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’iil waxaa uu kiciyey fali-cellino caro leh oo ka yimid beesha caalamka iyo dunida Carabta kaasi oo lagu diidayo go’aankaani.

Hogaamiyayaasha dunida Islaamka iyo kuwo kale oo ka mida beesha caalamka ayaa isla markiiba cambaareryay talaabada uu Trump ku dhaqaaqay waxayna ka digeen in arintaasi ay keento xadgudubyo dhiig ku taato.

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan degdeg ah oo lagu gorfeynayo go’aanka Trump ee ah inuu u aqoonsaday Qudus caasimadda Isra’iil.

Dhanka kale Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump uu cadeynayo in Mareykanka uu ka laabtay kaalintii dhexdhexaadnimada aheyd oo in muddo ah uu ka waday Isra’iil iyo Falastiin.

Mr. Cabaas ayaa intaas ku daray aqoonsiga Qudus ee caasimadda Isra’iil ay meesha ka saareyo ama ay burburineyso fursad ay xal ku gaaraan Isra’iil iyo Falastiin.

Wadaadka Iran Cali Khamini waxaa uu go’aankaasi ku sheegay mid horseedi-doona kacdoon ka dhaca caalamka halka Qaramada Midoobey ay leedahay arrinta waa in lagu xalliyo wada hadal.

Masar, Sacuudiga iyo dalalka Carabta waxaa ay si adag u cambaareeyeen go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il.

Dalalka Faransiiska, Shiinaha, Ruushka ayaa muujiyay in go’aanka Trump uu horseedi karo in xaaladda bariga dhexe faraha ka baxdo.

Donald Trump ayaa sheegay in horay uu ugu dhawaaqay Mareykanka in Qudus ay tahay caasimadda Isra’iil ayna tahay tallaabo aad looga daahay, isaga oo dhawaan u rari-doona safaaradda Mareykanka.

Goobjoog News