U bood dhigaalka

Dunida Oo Laga Xusayo Maalinta Cudurka HIV AIDS (Wareysi)

Sheeko:Caafimaadka

Maanta oo ay ku beegan tahay 01 December ayaa dunida waxaa laga xusuyaa maalinta ay Qaramada Midoobey u asteysan cudurka ee HIV AIDS, iyadoo dalal badan laga xusayo maalintaaan.

Waxaa lagu wadaa in meello kamid ah dalka laga xuso maalintaan, si dadka looga baraarujiyo halista HIV AIDS.

Cudurkani ayaa sanadkiiba ku dhaca dadyow fara badan, waxaana sanadihii dambe lagu arkayey dalal uu kamid yahay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika iyo Aasiyaba ka tirsan.

Dalalka horumaray ayaa weli wada helitaanka dawooyin lagu ciribtiro cudurkan,  marka laga soo tago kuwa kaalmaati ah oo qofka jiritaankiisa sii joogteyneysa inta loogu talagalay in uu sii noolaanayo ee loo qadaray.

Dr Yaxye C/laahi Cali, waxa uu kamid yahay dhaqaatiirta Soomaaliyeed, waxa aynu wax ka weydiinnay halista HIV AIDS, sida la isugu gudbiyo iyo sida looga feejignaan karo.

Wuxuu sheegay Dr in ay jiraan waxyaabo badan oo cudurkaan lagu kala qaado, islamarkaana aan weli loo helin dawo lagu dabar jaro cudurkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Dr Yaxye Cabdullaahi

Goobjoog News