U bood dhigaalka

Dunida oo Laga Xusayo Maalinta Xuriyadda Saxaafadda

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta May 3, dunida oo dhan laga xusayaa maalinta xuriyadda saxaafadda iyaga oo la badinayo wacyigelinta arrinkan la xiriirta, waxaa sidoo kale dowladaha looga digayaa iney ku xadgudbaan xuriyadda hadalka.

Sida ay daabacday Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020,  4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray.

Dowladda Soomaaliya ayaan warbaahinta u ogoleyn macluumaad la xiriira covid 19 iyo guud ahaan shaqada hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Goobjoog News