U bood dhigaalka

Duniyo Cali: Dhaawacyada Qarixii Kaawo-godey Kuwo Aad u Sii Daran Maaha

Sheeko:Dalka

Madaxa Caafimaadka Isbitaal Madiina Duniyo Cali Maxmed ayaan ka wareysannay booqashadii madaxweynaha iyo iney jiraan dhaawacyo u baahan in dibaadda loo qaado oo lagu soo daweeyo.

Dunyo ayaa ugu horreyn ka hadashay bukaannada soo gaaray iyo sida ay ula mucaamuleen:

“Bukaannada nasoo gaaray waa  tiro illaa 47 qof weyna iska soo dabadhacayeen, dadkii qalliinnada loo sameeyay way wada badbaadeen, markii bukaannadu ay imanayeen waxaan aragnay Saddex qof oo dhimasho ah, dadka dhaawacyadoodu aad ayay u garaafeysan yihiin, sidii horena aan u baranayna aad ayay uga fududaayeen”.

Waxay sheegtay in baahi dawo aaney ka jirin Isbitaalka, waxay tiri:

“Baahi daawo nama hayso dhakhtarka dhankaas waxaa gacan ka siiya hay’adda ICRC oo na taakuleynaysay illaa 15sanno xagga daawada qalabka iyo waxyaabaha kale ee looga baahan yahay ee baahida ku saleysan caafimaadka ee Isbitaalku u baahan yahay, iyadoo ay jiraan waxyaabo kale oo ay bulshadu naga caawiyaan”.

Waxay ka hadashay booqashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dhaawacyadii qaraxa:

“Madaxweynaha aad ayuu uga tiiraanyooday wixii dadka soo gaaray, waxayna ahayd waxaysan filaneyn xilligaas inuu Madaxweynahoodu soo booqdo, waxa uu u ballanqaaday inuu la garabtaagnaan doono waxyaabaha baahidooda ah ee caafimaadkooda la xiriira, waxa uu sheegay inuu Isbitaal ahaanna uu naga garabsiin doono  wax alaaliyo wixii baahidiisa ah ee loo baahdo, markii sidan oo kale ay wax u dhacaan waxaa imanaya culeysyo farabadan oo isbitaalka saameyn ku yeelanaya”.

Duniyo waxay noo sheegtay in dhaawacyada intooda badani ayna u baahneyn in dibadda loo qaado, laakiin ay dhici karo iney gadaal kasoo baxaan ayna jirto dad ay ku haboonaan lahayd in dhaawacyadooda si gaar ah loo eego:

“Dhaawacyada kuwo aad u sii daran ma aysan ahayn, laakiin way soo bixi karaan, bukaanno u baahnaan lahaa in arrintooda si kale loo xalliyo, waxa uuna yiri madaxweynuhu dib hala iiga soo sheego wixii soo kordha sidii wax looga wadaqaban lahaa”.

Si kastaba, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray habeennimadii xalay Isbitaal Madiina, ayaa booqday dhaawacyadii qarixii shalay ka dhacay Kaawo-Godey ee isbitaalka ku sugnaa, isagoo ballanqaaday in dibadda loo qaadi doono kuwa aadka u daran ee aan waxba looga qaban karin gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News