U bood dhigaalka

Duqa Magaalada London oo ka Qeyb Galay Tacsi iyo Baroordiiq loo Sameeyay Marxuum En. Yariisow

Sheeko:Dalka

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Qoyska Marxuum Yariisow oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Maxamed Cumar Yariisow, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ku nool UK.

Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu sheegay inay sharaf u aheyd inuu ka qeyb galo munaasabadda xuskan, isagoo xusay inay ku xusuusan doonnaan geesinimadiisa, niyad wanaaggiisa iyo mustaqbalka wanaagsan.

Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London, wuxuuna kaga jiray dadka kaalinta firfircoon ku lahaa qurbo joogta Soomaalida magaaladaas ku noolaa, isagoo ka noqday Hoggaamiye bulsho iyo maamule iskuul, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa Ururka u dooda xuquuqda Soomaalida ee UK, Somali Concern Group ee UK

Goobjoog News