U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis

Sheeko:Amniga

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis oo dib-u-dhis iyo ballaarin lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib-u-dhiska lagu sameeynayo xarunta degmada Shibis, shacabka ku noolna ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladda Hoose,Isagoo xusay in ay ka go’an tahay daadejinta maamulka si loogu dhaweeyo shacabka.

“Si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada waxaa mar walba naga go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, idinka waxaa la idinka rabaa kaalintiina inaad qaadataan oo dib-u-dhiska dalkiina u istaagtaan ”.

Sidoo kale Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta heer Gobol, heer Qaran iyo dadweynaha ku nool degmada Shibis.

Goobjoog News