U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho Oo Ka Digey Qashinka Lagu Soo Shubo Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa ka digey in hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho lasoo dhigo qashin, isaga oo sheegay in lala xisaabtami doono cid walbo oo arrintaasi lagu arko.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ganacsatada iyo cid walbo oo waddooyinka ku dhow laga doonayo iney ka shaqeeyaan nadaafadda oo ay u asteeyaan maalin si aysan nadaafad xumo u dhici.

Darwallada iyo dadka ku shaqeysta waddooyinka ayuu sheegay in laga doonayo iyaguna in maalintooda ay qaataan, maadaama gobolka uu dhisay waddooyinka, dadkuna markooda laga doonayo iney nadaafadda ka shaqeeyaan.

“Waxaa nasiib darro ah ganacsiga ka furan wadada qarkeeda ama dadka deggan oo aan ku fekereyn in wadada hortooda ay nadiifiyaan, sida ay gurigooda u nadiifiyaan, ciddii maanta kadib horteeda lagu arko qashin waa lagula xisaabtamayaa, waxay mudan tahay ayaana la marsiinayaa, waxaan rabnaa markii aan waddooyinka dhisno kadib in nadaafadooda la wareegaan maamulka, shacabka iyo ganacsiga deggan meesha waad ii dhistee hadane ii nadiifi waxaas macquul ma noqoneyso” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waddooyinka gobolka Banaadir ee dhowaan la dhisay ayaa durba waxaa lagu arkayaa qashin lasoo dhigayo hareeraha waddooyinka xilli waqti badan la geliyey in dib u dhis lagu sameeyo waddooyinkaasi.

Goobjoog News