U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho Oo Ka Digey Waddooyinka Shacabka Laga Xirto

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahnaa duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in aan loo  adkeysan karin waddooyinka magaalada oo si ulajeeddo la’aan ah dhagxaan loogu jaro.

Wuxuu sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan shacabka iyo gaadiidka waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo uu tilmaamay in cid walbo ay u xiratay arrimo lagu sheegay amni, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhagxaan waddooyinka lagu xiro ama carrooyin la dhigo ayuu sheegay Guddoomiye Jimcaale in marnaba aaney sugi karin amniga guud ee magaalada Muqdisho.

“Waa arrin dhib badan, waa arrin argagax leh, waxaadba moodaa in arrinkaasi dhaqan noqday in dadkuba caadeysteen in qolo kastaba magangasho dhagax shub ah ama carro meel la dhigo oo dadkana lagu dhibo, carro wax ma celiso, dhagaxna wax ma celiyo, arrinkaasi waxaan rabnaa marka in aan ka dhiidhinno oo aan ka qeylinno, haddii aan fududeysanno wax walbo marka dambe waxaad arkeysaa gurigaaga hortiisa oo dhegax ku dadban yahay, waxaa laga yaaabaa in habeenkii ku calwasaaddo oo adigana subaxii dhegax soo jiiddo, waxaad arkeysaa waddo muhiim ah misane dhagxaan lagu jaray, waxaan rabnaa in arrinkaasi sidaasi ula dagaalanno”

Inta badan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteellada iyo xarumaha dowladda waxaa la hordhigay dhagxaan iyo sidoo kale Carro kuwaasi oo la sheegay iney qeyb ka yihiin sugista amniga.

Goobjoog News