U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho oo Mamnuucay in Dekadda Muqdisho Laga Soo Dejiyo Mooto Bajaaj

Sheeko:Dalka

Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay in dekadda Muqdisho laga soo dejiyo mooto Bajaaj cusub.

Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale Mamnuuucay in waddooyinka laga soo galo Muqdisho laga soo galiyo wax Mooto ah.

Sababta ayaa lagu micneeyay in ay bateen cabashooyinka dad weynaha iyo hey’addaha amniga ay kasoo jeedinaayan wadayaasha mooto bajaajka.

Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale sheegay mashquul xoogan ( saxmad) ku haayan wadooyinka maadaama ay aad u bateen tirada mootooyinka bajaajta ka howl-gala gobolka Banaadir.

Goobjoog News