U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho oo safar ugu kicitimay dalal ka tirsan Yurub

Sheeko:War

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maanta u amba baxay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa safar saf mareen ah ku soo kala bixin doono Turkiga, Talyaaniga iyo Sweden, xilli uu casuumad ka helay hogaanka dalalkaasi.
Sidoo kale waxa uu kulamo la soo qaadan doonaa Jaaliyadaha Somaliyeed ee degan wadamada Turkiga, Sweden iyo Talyaaniga, wuxuuna warbixino ka siin doonaa amuuraha Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta dalalkaasi kala hadli doono sidii loo dardargelin lahaa Barnaamijka Dalkaaga Dhiso, oo billo ka hor uu kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku faah faahiyay Safarka Duqa Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay mid muhiim u ah dib u dhiska Caasimada.

Waa booqashadii labaad ee u Muungaab safar ugu ambabaxo dibad tan iyo markii loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir