U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho Oo u Digey Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa digniin u direy ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho.

Yariisow ayaa faray Ganacsatada iney ka taxadaraan sameynta wax walbo oo wax u dhimaya nadaafadda gobolka Banaadir.

Waxa uu tilmaamay duqa Muqdisho, in ganacstada laga doonayo iney kaalin qeyn ka qaataan ka shaqeynta nadaafadda iyo bilicda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney isku xilqaamaan ka shaqeynta nadaafadda Muqdisho, maadaama ay tahay caasimaddii dalka.

“Ganacsatada waxaan uga digeynaa in aysan ka qeybqaadan wax nadaafadda wax u dhimaya, waxaan ugu baaqeynaa in ay nadaafadda xoojiyaan oo kaalin mug leh ka qaataan, qof kasto oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah waxaan ka rabnaa in naadaafadda uu qeyb nagala qaato, magaaladan waa magaaladaada, caasimadaada, ilaalsho oo nadiifso” ayuu yiri Yariisow.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dedaal ugu jira ka shaqeynta nadaafadda iyo bilicda magaalada Muqdisho.

Goobjoog News