U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho Oo Xariga ka Jaray Mashruuc Horumarineed Oo Laga Fuliyay Dugsiga Shariif Qulateyn

Sheeko:Dalka

 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow) ayaa xariga ka jaray Mashruuc horumarineed oo laga fuliyay Dugsiga hoose, dhaxe iyo sare ee Shariif Qulateyn oo ay wax ku bartaan agoon iyo dad danyar ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulkiisu uu mar walba u taagan yahay sidii uu gacan uga geysan lahaa horumarinta Iskoolada ay wax ku bartaan Agoonta iyo dadka danyarta ah, isagoo uga mahadceliyey hay’adda kaalmada soo gaarsiisay taageerada ay muujiyeen.

Eng. Yarisow ayaa xusay in Iskoolka Shariif Qulateyn uu kamid yahay goobaha ay wax ku bartaan ciyaalka agoonta iyo dadka danyarta ah, una baahan yahay xili walba taageero buuxda.

“Waxaan idin kaga mahadcelinaynaa taageeradiina ku aaddan Iskoolkan Shariif Qulateyn oo kamid ah Iskoolada ugu magaca weyn Caasimadda, anaguna mar walba waxaan u taagan nahay sidii waxbarashada Dugsiyada Muqdisho u noqon lahaayeen kuwa tayo wanaagsan oo si bilaash ah wax looga barto”

Mashaariican oo ay fulisay hey’adda Help Yateem ayaa isugu jira qalab xafiiseed Computero iyo fasalo cusub oo dugsiga lagu soo kordhiyay.

Goobjoog News