U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho: Talaado Iyo Arbaco Wey Xiran Yihiin Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maalmaha Talaadada iyo Arbacada ah la xiri doono waddooyinka magaalada Muqdisho, doorashada magaalada ka dhaceysa aawadeed.

Waxa uu sheegay in aad loo xadidi doono maalmahaasi isku socodka magaalada Muqdisho, islamarkaana la adkeynayo amniga, isaga oo ugu baaqey shacabka iney maalmahaasi dulqaataan oo ay sabraan.

“Shacabka magaaladaan waxyaabo badan ayeey u dhabar adeegeen, culeysyo badan oo ka qabsanayey doorashooyinka ayeey u sabreen, waxay soo sabreen kulamadii caalamiga ahaa ee dhacayey, mararka ay madaxdu magaalada mareyso oo waddooyinka la xirayey iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana hadda u baahannahay shacabka dulqaadkooda iyo sabarkoodii, Berrito oo Isniin ah wixii ka dambeeyey maqribkii magaalada Muqdisho isku socodkeeda aad baa loo xadidi doonaa, waliba maalmaha Talaadada iyo Arbacada oo doorashada ay dhaceyso” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa ku baaqay in ardayda dhigata jaamacadaha iyo Iskuullada la fasaxo Labadaasi maalin si aan culeys loo saarin.

“Hay’adaha waxbarashada waxaa ka rajeyneynaa in maalmahaasi ay ardayda ka fasaxaan waddooyinka xirmaya ee magaalada gudaheeda ah si aaney culeys ugu dhicin ardada” ayuu hadalkiisa ku daray duqa Muqdisho.

Mar uu guddoomiye Jimcaale soo hadal qaadday dadka safarka ah ee maalmahaasi magaalada ka dhoofaya ayuu sheegay iney u diyaariyeen Basaska dowladda hoose oo kasoo qaadi doona hareeraha waddooyinka la xirayo ayna geyn doonaan halka laga raaco basaska aada garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.

“Maalmahaasi cidda dhoofeysa waxaan u diyaarineynaa basaska dowladda Hoose, waxaa laga soo qaadi doonaa meelaha ay ku sugan yihiin sida Tarabuunka, wadada Wadnaha, Madiino, Makka Al-mukarrama, waxaana la geyn doonaa halka laga raaco basaska kale ee Garoonka aada”

Shacabka Muqdisho, waa ay filayeen in la xirayo waddooyinka maalinta doorashada, balse guddoomiyaha ma uusan sheegin in socodka dadeynaha xitaa Labadaasi maalin la mamnuucay.

Goobjoog News