U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho: Waxaa Bilowday Howlgalo Lagu Sugayo Amniga Caasimadda

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo sabtidii shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirar maalmahan ay kula jireen Madaxda Qaranka lagu go’aamiyay in la xoojiyo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay iney bilowdeen howlgalo ay ciidamada amniga ka wadaan caasimadda Muqdisho,kaasoo lagu xaqiijianayo ammaanka magaalada,wuxuuna shacabka Gobolka Banaadir ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada amniga una fududeeyaan, maadama guri guri xaafadaha loo baarayo.

“Waan dareemi karnaa culeysyo ka imaan kara haddii howlgalo la qaadayo oo guryihii la baarayo oo xaafadii la tagayo,taasna waxaan rabaa culeysyadaasi jira in dulqaad la muujiyo,anaga haddan maamulkii nahayna sidii shacabka loogu adeegi lahaa waxaan diyaarinay basas iyo gaadiid Aambalans-yo iyo wax allaale iyo wixii lagu taageeri lahaa shacabka gaar ahaan shacabkeenna tabaaleysan oo goobaha uu ka socda howlgalada saameyn ku yeelato,” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Sidoo kale,Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka Nugul sida Bukaanada,carruurta iyo waayeelada loo diyaariyay gaadiid lagu geeyo goobaha ay u baahan yihiin haddii ay saameyn ku yeeshaan xirnaashaha wadooyinka magaalada.

” Dadka uu saameyta ku yeesho howlgalka inta uu socdo lugta sida dadka waayeelka ah caruurta, iyo kuwa bukaanka ah kuwaas aan u diyaarinay gaadiid si meeshii ay rabeen loo geeyo, taas waxa aan u samayneyno ayaa waxa ay tahay mas’uuliyad weyn ayaa naga saran”

Ugu dambeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku ammaanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sida ay mar walba ay u daneynayaan in shacabka loo dhimriyo loo naxo lagana difaaco dhibaatada soo gaareysa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir