U bood dhigaalka

Duqeymo Cirka Ah Oo Ka Dhacay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Mareynkanka ayaa sheegay in diyaaradihiisa dagaalka ay duqeymo kala duwan ka geysteen gobalka Jubbada dhexe halkaasi oo deeganada ugu badan ay ku suganyihiin dagaalyahanada Al shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska mareykanka ee Africa kaas oo loo yaqaan AFRICOM, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay degmada jilib ee gobalka Jubbada dhexe laba duqeyn kula eegteen fariisimo ay ku sugnaayeen Al shabaab.

Warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu cadeeyay in weerarkaasi Al shabaab khasaare kala duwan loogu geystay, waxa uuna Mareykanku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 1 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab halka laba kalane ay ku dhaawaceen.

“Duqeymaha diyaaradaha waa habka kaliya ee aan uga hortagi karno Al shabaab kuwaas oo deegaano nabdoon ka geysan kara weraro sidoo kalane weerari kara dhulka ay ku suganyihiin Mareykanka” ayuu yiri  Gen. Bradford Gering agaasime ku xigeenka dhinaca howlgalada ee AFRICOM.

Duqeytan ka dhacday Jubbada dhexe Mareykanku ma sheegin khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo garay dadka radiyidka ah.

Sanadkan gudihiisa waa duqeyntii 6-aad ee diyaaradaha Mareykanka ay ka geystaan gudaha Soomaaliya waxaana dowladda Mareynkanka ay xustay in ay sii wadi doonaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo Al Shabaab.

Goobjoog News