U bood dhigaalka

Duqeymo Ka Dhacay Waddanka Syria Oo Lagu Dilay Hogaamiyaal Ka Tirsan AL-qaacida

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaashaadhigga waddanka Mareykanka ayaa sheegtay iney dileen ciidamada Maraykanka 11 dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-qaacida  duqeymo ay  ka geesteen meel u dhow magaalada Idlib ee waddanka Syria.

Dadka la diley,  waxaa ku jira 11 kaan ka tirsan Al-qaacida  xubin sare oo xariir lalahaa hogaamiyihii hore ee Al-qaacida  Usama Bin laadin  iyo hogaamiyaal kale oo waaweyn oo ka tirsan isla Ururka.

Wasaaradda ayaa waxay intaas ku dartay in duqeyn ay geesteen diyaaradaha Doroneska ee Maraykanka uu ku dhintay Abuu Haani oo ahaa kormeere Al-qaacida u qaabilsanaa dhisidda xeryaha tobabarada ku yaallo waddanka Afhanistaan .

Abuu Haani ayaa waxa uu xariir lalahaa Usaama Bin laadin iyo Ayman Aldawaahiri  oo hadda ah hogaamiyaha ururka Al_qaacida.

Tobaneeyo kale oo ka tirsan xubnaha Al-qaacida ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday goob ay ku shirayeen taasoo dhacday 3 bishii Febuary .

Wasaaradda gaashaadigga  Mareykanka ayaa waxa ay sheegatay in bishii la soo dhaafay ay dileen hoogaamiye ka tirsan ururka Al-qaacida oo lagu magacaabo Maxamed Xabiib iyo xubin kale oo ka tirsan isla Ururka oo asna la dhaho Cabdul Jaliil kuwaas oo lagu dilay duqeymo ka dhacay meel udhow magaalada Idlib ee waddanka Syria.

Goobjoog News