U bood dhigaalka

Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Laga Fulinayo Deegaannada Al-shabaab Ka Joogaan Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, qeybta 27-aad ayaa sheegay in meel gabagabo ah ay mareyso qorshe la doonayo in duqeyn dhanka cirka ah laga fuliyo meelaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Hirshabelle.

Taliyaha Qeybtan, Jeneraal Maxamuud Maxamed Calin Koronto ayaa isaga oo ku sugan B/weyne wuxuu sheegay in arrintan duqeynta ah ay kala hadlayaan dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuu sheegay in markii la isku soo raaco arrintaasi ay warbixin kula laaban doonaan dowladaha dhanka ammanka ka taageera Soomaaliya.

Sidoo kale, Taliye Koronto ayaa sheegay iney ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Hirshabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News