U bood dhigaalka

Duqeyn Ka Dhacday Syria Oo Ay Dad Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Waxaa sii socda wali duqeymaha ay geesanayaan diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Syria, kuwaas oo ay ka geesteen magaalooyinka Xalab, Ximsa iyo Idlib, iyadoo ay sababeen inay dhintaan 10 qof  halka uu kuwa kalana ay soo gaareen dhaawacyo, waxaana intaas u sii dheer inay duqeynta ay burburisay guryo iyo goobo ganacsi.

Ilo wareedyo ayaa waxay sheegayaan in dadka dhintay  ay ku jiraan caruur  intii ay socotay duqeyn dhanka cirka ah oo ay si wadajira u geysanayeen diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Syria, duqeyntaan ayaa inta badan  ka dhacday Xalabta Bari oo ay gacanta ku hayaan ururka Daacish.

Magaalada Xalab waxaa ka barakacay dad gaaraya kumanaan qof oo shacaba kuwaas oo ka cararay dagaalada iyo duqeymaha hareeyay magaalada,kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Syria iyo ururka Daacish.

Duqeymaha inta badan ay geestaan diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Syria ayaa ayaa waxay waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartaa dadka shacabka ah .