U bood dhigaalka

Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka, gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ka fuliyey deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in duqeyntan lala eegtay gaadiid la sheegay in halkaasi ay marayeen kuwaasi oo ku rarnaa qaraxyo, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, ciidanka DANAB ee xoogga dalka ayaa la sheegay iney toogasho ku dileen xubno Al-shabaab ah oo iyaguna halkaasi ku sugnaa.

Ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale Maraykanka ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gobollada dalka.

Goobjoog News