U bood dhigaalka

Duqeyn Ka Dhacday J/dhexe

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal kka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubada Dhexe, halkaasi oo ay saldhig weyn ku lahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Duqeyntan oo xilli saq dhexe ah dhacday ayaa la sheegay in diyaarado aan la garan dalka laga leeyahay ay dhowr gantaal ku dhufteen saldhiggan oo ku yaalla Tuulada Xasan Kuusow, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ku dhowaad 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayaa duqeyntan ku dhintey, waxaa burburay saldhiggan, iyadoo sidoo kale halkaasi ku gubteen gaadiid dagaal oo lahaayeen Al-shabaab.

Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka ayaa la sheegayaa in weli ay dul socdaan deegaankan, waxaana jirta cabsi kale oo ah in duqeyn ay dhacdo.

Dowladda federaalka iyo Al-shabaab kama aanay hadal weli duqeyntan.

Maalmahan dambe waxaa gobollada Jubbooyinka ka soconayey howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayey Al-shabaab.

Goobjoog News