U bood dhigaalka

Duqeyn Ka Dhacday Shabellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay xalay saq dhexe diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in duqeyntan lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

Waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo duqeyntan ka dhalatay, balse lama oga inta khasaaruhu la egyahay.

Lama oga weli diyaaradahan duqeynta fuliyey dalka laga leeyahay, balse inta badan weerarada sidan oo kale ah waxaa fuliya diyaaradaha Maraykanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News