U bood dhigaalka

Duqeyn Lagu Diley Saraakiil Al-shabaab Ah Oo Laga Fuliyey Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Howlgallo ay iska kaashadeen Ciidamada DFS iyo Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana laga fuliyey Shabellaha Hoose.

Howlgaladaan oo laba qeybood ahaa kan Koowaad waxa shalay oo Sabti ahayd laga fuliyay deegaanka Cali Barrow waxaana lagu dilay Laba horjooge oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka xigay oo ay ciidanku ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay Horjooge kale oo wadarta xubnahan la dilay waxay gaareysaa Saddex, waa sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Ma jirin wax Khasaare ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi lagu dilay xubnahan ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoog News