U bood dhigaalka

Duqeynka Dhanka Cirka Ah Oo Mareykanku Ku Dilay Saddex Dagaalyahan.

Sheeko:Dalka

Milatariga dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah saddex dagaalyahan oo ka tirsan ururka ISIS ee ka dagaallama buuraha Golis ee dalka Soomaaliya maalintii jimcaha.

Taliska Africa ee Mareykanka ayaa xusay in qeybo ka mid ah buuraha Golis ay ku jiraan xarrakada Alshabaab kuwaasoo dagaal kula jira kooxda ISIS oo iyaguna dagaalyahannadoodu ay ku jiraan buuraha Golis.

Africom, Taliska Africa ee Mareykanka ayaa intaas ku daray inaysan jirin dad shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeynta cirka laakiin ay faahfaahin ka bixin doonaan qaabka ay duqeyntu u dhacday.

“Cadaadis joogto ah oo la saaro shabakadaha argagixisada ayaa ah mid lagu xaqiijinayo xakameynta kooxahaas islamarkaana hoos loogu dhigayo awooddooda. Waan sii wadi doonnaa inaan ka caawinno Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya dagaalka lagula jiro argagixisada” Waxaa hadalkaan jeediyey Robert Huston oo ah agaasime ku xigeenka hawlgallada Mareykanka ee taliska Africom.

Tani waa duqeyntii labaad ee dhanka cirka ah oo Taliska Africa ee dalka Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya usbuucaan. Duqeynta hore waxay ka dhacday meel u dhaw deegaanka Baled Amiin oo ku taalla gobolka Shabeellaha hoose taasoo lagu dilay laba argagixiso arbacadii.

Soomaaliya waxaa ragaadiyey kooxo argagixiso ah in ka badan 10 sano waxaana kooxahaas ka mid ah xarrakada Alshabaab. Dagaalkan argagixisadu ka waddo dalka Soomaaliya ayaa lagu dilay tobannaan kun oo dad Soomaaliyeed ah iyadoo malaayiin kalena ay ka qaxeen guryahooda. ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa (Africom).

Goobjoog News

Mawduucyada:Somaliland