U bood dhigaalka

Duqii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Geeriyooday, Akhriso Taatiikhdiisa

Sheeko:Dalka, War

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday duqii hore ee gobolka Banaadir Mr. Axmed Mude Xuseen  kadib markii uu muddo ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalo magaalada.

Axmed Mude Xuseen waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1928-dii, waxaa uu yaraantiisa wax ka bartay College-yadii dowladda Talyaaniga.

Muddo kadib Xusseen Muude waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ka shaqeeyay waaxda faro barista ee hey’adda dambi barista.

Mr. Axmed Mude waxaa uu ahaa nin labo mar noqday duqa magaalada Muqdisho isagoo markii hore ahaa 1958 iyo mar kale 1966, isaga iyo Xasan Abshir ayaa laga arkaa qof labo mar Muqdisho ka noqday duqa magaalada laga soo bilaabo Dr. Campani Remeo sanadkii 1936 ilaa Sheekh Yusuf Jimcaale Madaale 2016-ka.

Xuseen Muude waxaa uu Xildhibaan noqday doorashooyinkii dalka ka dhacay 1969-kii, isagoo ka soo galay doorashada degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

Muude waxaa uu dhalay ilaa 17 caruur ah, 3 xaas ayuu ka tagay, waxaana uu ku dhintay xaafadda Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News