U bood dhigaalka

Duqii Ugu Horreeyey Oo Gabar Ah Oo Loo Magacaabay Magaalada Beledweyne.

Sheeko:Dalka

Magaalada Beledweyne ee ku taal bartamaha Soomaaliya ayaa yeelatay duqii ugu horreeyey oo gabar ah ee dalka waana Safiya Xasan Sheekh Jimcaale. Xilkaan taariikhda galay oo ay Safiya heshay ayaa ku yimid markii uu u magacaabay Maxamed Cabdi Waare oo ah hoggaamiyaha Maamulka Hir-Shabeelle oo Beledweyne ay u tahay caasimad.

Warar ayaa sheegaya in Safiya xilka loo dhiibay uu yahay mid ku cusub iyadoo horey u soo noqotay  guddoomiyaha degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho. Iyadoo la hadleysay idaacadda VOA kaddib magacaabisteeda ayey carrabka ku adkeysay inaysan ka gamban doonin wax-ka-qabashada arrimaha horyaal oo ay awoodda u leedahay.

Magaalada Beledweyne ayaa ah caasimadda gobolka Hiiraan. Magaaladu waxay ku taal dooxada Shabeelle waxayna 210 mile uga beegan tahay magaalada Muqdisho dhinaca woqooyi. Wabiga Shabeelle ayaa u kala qeybiya dhinaca bari iyo kan galbeed.

Dad Soomaaliyeed ayaa aad ugu tixgeliya haweenka dhammaan dhinacyada nolosha, haweenka ayaa qeyb ka ah labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, Waxay ku jiraan militariga iyo boliiska, waxay sidoo kale hayaan xilal wasiirnimo.

Africa News.

Mawduucyada:Hirshabeelle