U bood dhigaalka

Duubabka Dhaqanka Gobolka Sh/dhexe Oo Dowladda Federaalka Ugu Baaqay Inay Dib U Dhigto Shirka Maamul U Sameynta

Sheeko:Dalka

Kulan maanta ay isugu yimaadeen duubabka dhaqanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Odayaasha dhaqanka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kulankoodani ku dalbanayay in dowladda ay dib u dhigto shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Duubabkii ka hadlay kulanka intii uu socday waxaa kamid ah Maxaad Muuse Qaroofow, Nabadoon Muxumed Cusmaan Yaa Cali, Nabadoon Jurus iyo waxgarad kale.

“Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda dhexe waxaan ka codsanaynaa in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta ma wanaagsana degdegsiimo, dowladdu waa inay dib u dhigtaa shirka Jowhar” ayay yiraahdeen odayaasha.

Duubabka dhaqanka ayaa sheegay in weli ay jirto cabasho la xiriirta sida loo marayo dhismaha maamulka labada gobol taasna ay wanaagsan tahay in dowladdu ay xal u hesho.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Odawaa ayaa dhammaadkii bishii tagtay ee August shaaciyay in bishaan si dardar leh loo billaabayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madasha shirka ee Jowhar waxaa weli ka maqan qaar kamid ah ugaasyada gobolladaasi kuwaas oo ku sugan magaalada Baladweyne kana biyo diidan hannaanka ay dowladda federaalka iyo IGAD u wajahayaan maamul u sameynta labada gobol ee dariska ahi ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News