U bood dhigaalka

Duubabka Dhaqanka Hirshabeelle oo Ku Qulqulaya Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellada dhexe dhexe waxaa gaaray qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya soo xulista Baarlamnka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana hoggaaminayey Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi.

Waxaana waxgaradkaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Xilibaanno, Wasiiro iyo guddiga farsamo soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha guddiga Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay soo dhameestirmaan duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kaaso lagu sheegay inuu ka soo horjeedo dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo markale doorashadiisa ka dhaceyso magaalada Jowhar.

Goobjoog News