U bood dhigaalka

Duulimaad Muqdisho iyo Baraawe oo Bilowday

Sheeko:Dalka

Shirkadda  duulimaadka diyaaradaha Afrika ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ka bilowday Muqdisho ilaa magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose.

Shirakadda duulimaadyada Afrika Airweys  ayaa maanta duulmaad toos ah ku gaartay magalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose , waxaana diyaarada la socday rakaab is kugu jira mas’uuliyiin iyo dadka shacab ah.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in duulimaad diyaaradda Afrika ay ka faa’ideysan doonaan xujeyda ganacsatada  dadka qurbajoogta ah ee daneynaya in ay tagaan magaalooyinka Baraawe iyo Muqdisho  iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shacabka ku nool magaalada Baraawe ee caasimadda dowald gobaleedka Koofur Galbeed loo asteeyey ayaa aad u soo dhoweeyey duulimaadka ay shirkadda dulimaadyada diyaaradaha Afrika ay ka biloowlay magaalada ayadoo dayactir xoogan uu ka socdo garoonka diyaarada ee Baraawe.

Goobjoog News