U bood dhigaalka

Duulimaadyaddii Kenya oo Loo Joojiyey Shati Dartiis

Sheeko:Dalka

Waxaa gabi ahaanba joogsaday duulimaadyadii ka shaqeynayay Muqdisho iyo Nairobi dhexdooda iyada oo dad aad u badan oo Soomaaliyeed, kana mid yihiin mas’uuliyiin sarsare ay ku xayiranyihiin garoonka Nairobi kadib markii diyaaradihii ay tigidhada ka jarteen ay ku wargaliyeen in ay joojiyeen duulimaadyaddii Muqdisho.

Sababta loo joojiyey duulimaadyada Xamar ayaa waxaa sharaxay mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Barre “Kenya waxay noo sheegtay in nalaga rabo in aan kordhisano mudada Licence-ka diyaaradaha ee Kenya kaga shaqayno, ilaa iyo inta aan ka kordhinayno maka sii shaqayn karno Kenya.” Ayuu yiri Maxamed Barre.

Waxa kaloo uu yiri “Haddii aan hadda kordhisano mudada Licence-ka, waxaa naloo sheegay inaan shaqadayna sii wadan karno, marka waa intaas ilaa iyo hadda waxaan ognahay in duulimaadyada nalooga joojiyay.”.

Dowladda Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin arrinkani soo kordhey, balse waxaa xusid mudan in diyaaradihii jaadka ay sidoodii caadiga ahayd u imanayaan dalka.

Goobjoog News