U bood dhigaalka

Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha B/weyne Oo Mar Kale Hakad Ku Yimid

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maanta uu mar kale hakad ku yimid duulimaadyadii diyaaradaha ee magaaladaasi.

Saraakiil ku sugan garoonka B/weyne ayaa inoo sheegay in biyo badan ay buux dhaafiyeen dhabihii ay diyaaraduhu ku degi lahaayeen amaba ka haadi lahaayeen.

Ku dhowaade 10 saacadood ayaa roob xooggan wuxuu ka da’ay magaalada B/weyne, taasi ayaana keentay in mar kale uu xirmo garoonka.

Waxaa socda dedaallo badan oo lagu doonayo in biyaha looga saaro garoonka B/weyne, maadaama maanta la filayey in halkaasi ka degaan diyaarado gar-gaar sida.

Shacabka ku dhaqan B/weyne ayaa u baahan gurmad xooggan, iyaga oo dhibaato badan kala kulmay fatahaadda Wabiga Shabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News