U bood dhigaalka

Duuliye Sare Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan) Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday duuliye sare Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan), oo caan ka ahaa geyiga Soomaaliya, Wuxuu ahaa duuliyeyaashii geli jiray duullimaadyada dhaadheer ee Somali Airlines ay ku tagi jirtay Yurub.

Feytaan, waxaa uu ka mid ahaa kooxdii lagu aasaasay ciidamada cirka jamhuuriyadda Soomaaliya, laysinka duulimaadka diyaaradaha waxaa uu qaatay 1954tii, isaga oo intaasi wixii ka dambeeyay caan ku ahaa duulinta, waxaa uu sameeyay duullimaadyo isugu jiray mileteri iyo rayid.

Duuliye Sare Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan) , waa duuliyihii ugu horreeyay ee dalka Masar kasoo duuliyay diyaarad dagaal oo jeet ah noocii ugu horreeyay ee ciidankeenna 1963dii.

Max’ud Cabdullaahi, waxaa uu sidoo kale wax ka aasaasay shirkaddii Somali Airlines, oo ah shirkad ay laheyd dowladda Soomaaliya.

Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan),  waxaa uu duuliye ka ahaa Somali Airlines 1964 ilaa 1990kii.

Goobjoog News