U bood dhigaalka

Ebola oo ay u geeriyoodeen 4,000 oo qof sida ay shaacisay Hay’ada Caafimaadka Aduunka (WHO)

Sheeko:Caafimaadka

Hay’ada caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa goor dhaw sheegtay  in tirada dadka ku dhintay cudurka dilaaga ah ee Ebola  kor u dhaafayaan 4,000 oo qof.

Tirada ugu dambeysay ee la shaaciyay ayaa noqotay 4,024 qof oo cudurkan ugu dhintay wadamada galbeedka Afrika sida Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.

Sideed qof ayaa qandhada cudurkan ugu dhimatay Senegal iyo hal qof oo Mareykanka ah, Cudurka Ebola ayaa soo ritay in ka badan 8,399 qof oo isugu jira dad la hubo in ay qabaan  iyo qaar la tuhunsan yahay.

Warkan ayaa imaanay xili Baarlamaanka Liberia diiday inuu siiyo Madaxweynaha awoodo dheeraad ah uu arinkan kula tacaamulo.

Madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, ayaa horay deegaanada qaar ugu soo rogtay xaalad deg deg ah, oo lagu karantiilayo bukaanada qaba cudurka Ebola.

Bhofal Chambers oo ah xildhibaan ka tirsan Liberia ayaa ka digay in awoodani dheeraadka ah Liberia ka dhigi doonto dal booliiska gacanta ku hayaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dhibaato soo gaadhay shaqaale kor u dhaafaya 233 oo ka tirsan shaqaalaha hay’adaha caafimaadka ilaa iyo hadda. waa dhimashadii ugu badneyd abid.

Kalkaaliso u dhalatay dalkaas Spain oo cudurkan ku dhacay ayaa laga masaafuriyay dalka Liberia, waxaa la geeyay dalkeeda halkaas oo lagu daaweynayo, Liberia waa dalka ugu badan ee cudurkan dadka u dhinteen, 2,316 ayaa la xaqiijiyay in dalkaas cudurkan Ebola ugu dhinteen.