U bood dhigaalka

Eedeysane Fahad Oo Loo Soo Xulay Baarlamaanka 11-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Agaasimihii hore ee hey’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa maanta loo soo xulay in uu kamid noqdo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu ku soo baxay xulashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#86, kaas oo baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulkhadir, Waxaana Fahad meesha geeystay Farmaajo iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Fahad waa shaqsigii saddexaad ee ku eedeysan kiiska dilka Ikraan ee ku biira baarlamaanka, kadib Yaasin Fareey iyo Kulane Jiis.

Goobjoog News