U bood dhigaalka

Eedeysanayasha Weerarkii Naasa Hablood 2 Oo Maxkamad La Horkeenay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta qaaday dacwada rag lagu eedeeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2, raggan ayaa lagu sheegay  Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule.

Eedeysanayasha ayaa ayaa Xafsiika xeer ilaalinta u qirtay in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen dilka, waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markaatiyaal ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha  iyo shacab kale.

Maxkamadda Darajada, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda  in ay go’aanka Maxkamadda  dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo  waxaa ku dhintay 29 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.

Goobjoog News