U bood dhigaalka

Ehlada Maxamed Cabdi Afweyne Oo Dowladda Belgaum Ka Dalbaday Sii Deysmadiisa

Sheeko:Dalka

Ummu Saacid oo ah Xaaska Maxamed Cabdi Xasan Afweyne ayaa sharci daro ku tilmaantay Xukun xabsi 20 sano ah oo maxkamad ku taalo Belgaum ku riday Afweyne oo loo heeysto eedeyn la xiriirta Burcad badeednimo.

Ummu Saacid ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin Xukunkaasi oo sida ay sheegtay lagu riday saygeeda isaga oo ay ka maqan yihiin looyaradii u doodayey.

Waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay edeeymaha loo hayey ee burcad badeednimada ah, waxa ayna sheegtay in Maxamed uu ahaa ganacsade Soomaaliya iyo Imaaraadka ganacsigiisa uu isaga kala Goosho.

Ugu Dambeyn waxa ay Ummu Saacid ugu baaqday beesha caalamka ,hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha, Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka, Xukuumadda in ay ka hadlaan sidii dib xorriyadisa ugu heli lahaa Afweyne.

Maxkamad Ku taalla dalka Biljamka ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Xasan Afweyne, sidoo kalena waxay maxkamadaasi xukun Shan Sano ah ku riddey madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey.

Goobjoog News